Arday ka qalin jabisay Jaamacadda Jobkey

0
108

Muqdisho-(RKGS)- Waxaa maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka City place xaflad Qalin jebin ah loogu qabtay Arday ka qalin jebisay Jaamacadda JOBKEY ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadan Qalin jebinta aheyd waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Jaamacadda JOBKEY C/Casiis Caagane C/Samad, Wasiiro, Xildhibaano, Culumaa’udiin, Aqoonyahano, Salaadiin, Waalidiin, Arday iyo xubno kale.

Ardada maanta ka Qalin jebisay Jaamacadda JOBKEY ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa ku dhowaad Kun Arday, waana Dufcadii Labaad ee ka Qalin jebisay Jaamacadda JOBKEY.

Ugu horeyn kulanka waxaa ka hadlay oo Madasha hadal kooban ka jeediyay Afhayeenka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, wuxuuna aad u amaanay Madaxda jaamacadda JOBKEY, maadaama waqti badan ay ku bixiyeen Ardada maanta Qalin jebisay ee dhameysatay Heerka Koowaad Waxbarashada.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sidoo kale sheegay in jaahilnimada in ay tahay dhibaato, loona baahan yahay in lagu dadaalo Waxabarashada si aad u noqoto Qof leh Mustaqbal wanaagsan.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibada Khaalid Cumar Cali oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta kulanka ka soo qeyb gashay ayaa dhiira gelin u sameeyay Dhalinyarada ka Qalin jebisay Jaamacadda JOBKEY, wuxuuna sheegay in Dowladda Soomaaliya ay hada dejisay Qorshe lagu shaqaaleysiinayo Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jaamacadda JOBKEY C/Casiis Caagane C/Samad oo Madasha Qudbad ka jeediyay ayaa bogaadiyay Ardayda ka Qalin jebisay Jaaamacadda JOBKEY, isagoo sidoo kale u balan qaaday Ardada kaalmaha hore ka galay Kuliyadaha ay bixiso Jaamacadda JOBKEY in ay heli doonaan Waxbarasho minxo ah.

C/Casiis Caagane C/Samad oo Gudoomiyaha Jaamacadda JOBKEY ayaa sidoo kale sheegay in ay soo dhaweynayaan Ardada cusub ee dooneysa in ay ku soo biiraan Jaamacadda JOBKEY.

Aradada Qaar ee ka Qalin jebisay Jaamacadda JOBKEY mar ay Risaala dareenkooda waydiisay ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in maanta ay dhameystaan Qalin Heerka Koowaad ee Waxbarashadooda, waxaana ay balan qaadeen in ay sii wadan doonaan Waxbarashadooda ilaa heerka ugu dambeeya.

Ugu dambeyntii Ardada ka Qalin jebisay Jaamacadda JOBKEY ayaa hadiyado kala gedisan gudoonsiiyay Gudoomiyaha Jaamacadda C/Casiis Caagane C/Samad, iyagoo ku amanay qaabka wanaagsan ee ula dhaqmo Maamulka iyo Ardada Jaamacadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here