Arday wax ka barata Jaamacadda UNISO oo soo bandhigay xirfadooda aqooneed

0
102

Ardaydaan oo dhameystay sanadkoodii labaad ayaa soo bandhiga naqshad aad u qurux badan oo ay ugu talagaleen dhismaha cusub ee Jaamacadda Soomaaliya(UNISO).

Hormuudka kuliyadan Eng. Cabdi rashiid Xasan Cabdi oo xaflada furay ayaa ugu horeeyn u mahadceliayay macalimiinta kuliyada oo dadaal dheeri ah ku bixiyay ardaydan, isagoo tilmaamay in uu cadyahay dadaalkii lagu baxshay ardaydan, madaama iyagoo maraya semester-kii5-aad  ay soo badhigaan Naqshad sidan u qurux badan oo ay ugu talagaleen dhismaha cusub ee Jaamacadooda.

Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xariiqay  in ay wax ka badali doonaan guud ahaan bilicda dalka, isagoo ka codsaday Guddiga sare ee Jaamacadda Soomaaliya inay qaataan naqshadan madaama ay u soo diyaariyeen ardadooda.

Ugu dambeyntii  waxaa meesha ka hadlay kaaliyaha Guddoomiyaha Arrimaha bulshada Prof. Cabdulaahi Maxamuud Maxamed (Dhagaco), isagoo ugu horeyn  u hamabalyeeyay waalidiinta dhashay aradaydan soo bandhigtay aqoontooda, waxa uu u mahadceliyay waalidiintii ku aamintay ubadkooda Jaamacadda Soomaaliya, waxa uu intaas ku daray  waalidiinta in ay Jaamacadda Soomaaliya u balan qaadaayo in ay gudan doonto waajibaadka ka saaran ubadka Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here