Argagaxisada oo mar kale beegsatay goobaha shacabka

0
102

Sadex qof oo shacab ah ayaa dhimatay, lix kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii saaka argagaxisada Alshabaab gaari ku qaraxiyeen waddada Maka almukarama ee magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Sayidka, sida ay sheegeen saraakiisha.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, mudane Saalax ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari lagu xirey walxaha qarxa kaas oo ku qarxay meel gawaari badan taagnaayeen, isla markaana uusan aheyd qarax ismiidaamin ah.

Qaraxan ayaa waxaa ka dhashay burbur xoogan oo soo gaaray dhismiyaasha ka ag-dhowaa goobta mashaqada ka dhacday.

Dadka ku dhintay qaraxan waxaa kamid ah Allah u naxariistee, agaasimihii maamulka iyo maaliyadda wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka ee XFS Bille Ismaaciil, sida xaqiijiyeen shaqaalaha wasaaradda.

Argagaxisada Alshabaab, ayaa had iyo jeer waxaa ay ku mashquulsan yihiin, sidii ay u kala dhantaali lahaayeen horumarka dowladnimada iyo xasiloonida dadka iyo dalka Soomaaliya.

28 bishii December,  2019 ayay aheyd markii gaari qarax lagu soo rakibay Alshabaab ku qarxiyeen isgoyska Ex-control Afgooye, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 80 ruux oo shacab ah oo ay ku jiraan arday aad u badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here