Daawo Sawiro:- Wafdi Ka Socda Dowlada KGS Oo Gaarey Deegaanka Awdiinle E Gobolka Baay.

0
107

 

Baydhabo (RKGS) Wafdigaan Maanta Gaarey Deegaanka Awdiinle Ee Gobolka Baay Ayaa Waxaa Hogaaminayey Waziirka Wazaarada Hub-Kadhigista Dhaqan Celinta Iyo  Tawabarada Maleeshiyaad DKGS Waxaana Qeyb Ka Haa Gudoomiyaha Degmada Baydhabo .

Ujeedka Safarka Ayaa Waxaa UU Ahaa Sidii Ciidamo Laga Soo Kala Xulay Ciidanka Booliiska Gaarka Ah Ee DKGS Dhaxdiisa Loogu Furi Lahaa Tawabar Ku Aadan La Dagaalanka Maleeshiyada Al Shabaab Ee Dhibaatada Ku Haya Deegaano Ka Tirsan DKGS

Ciidamada Ayaa Waxaa Ay Ka Kala Yimaadeen Degmooyinka Diinsoor Bardaale Iyo Qansaxdheere Ee Gobolka Baay Iyadoona Maalmaha Soo Socda Ay Ku Biiri Doonaan Ciidamo Kale Oo Iyada Laga Soo Kala Xulay Degmooyinka Baydhabo Buur Hakaba Waajid Tiyeeqlow Iyo Degmada Xudur .

Ujeedka Ciidanka La Isugu Keeney Ayaa Waxaa Ay Tahay Ladagaalanka Maleeshiyada Shabaab Ee Mararka Qaar Dadka Ku Dhibaateeya Wadooyinka Isku Xira Gobolada Baay Iyo Bakool

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna Duqa Magaalada Abdulaahi Cali Watiin Ayaa Kula Dardaarmey Ciidanka In Ay Ku Dadaalan Sidii ay Ugu Qeybqaadan La Haayeen Sifeynta Haraadiga Maleeshiyada Al Shabaab .

Waziirka Wazaarada Hub-Kadhigista Dhaqan Celinta Iyo  Tawabarada Maleeshiyaad DKGS Hasan Huseen Mohamed Eeley Ayaa Sheegey In DKGS Ay Diyaar U Tahay Sidii Ay U Qalabeyn La Heyd Ciidanka Isku Dhafka Ah Ee Laga Kala Keeney Degmooyinka Gobolada Baay Iyo Bakool

Dhanka Kale  Waziir Hasan Huseen Mohamed Eeley Ayaa Sheegey In Inta Ay KU Soo Jireen Wada Ciidankaan Maanta Ku Kulmey Deegaanka Awdiinle Ay Wada Dagaal Ay Kula Soo Galeen Maleeshiyaad Wadooyinka Ku Dhuumaaleysanayey

Isku Dhafka Ciidanka Ayaa Qeyb Ka Ah Dib U Soo Celinta Ciidan Qaran Oo Hanan Kara Awooda Dalka Maleeshiyada Al Shabaabna Ka saari Kara Deegaanada Dalka Ay Ka Joogaan

Dowlada KGS Ayaa bilowdey Isku Dhaf Ciidan Oo Laga Kala Keeney Dhamaan Degmooyinka DKGS

IMG_8641 IMG_8550 IMG_8545 IMG_8524 IMG_8516

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here