Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo yeelanaya kulankii labaad

0
96

Xildhibaannada cusub ee baarlamaanka  10aad Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah yeellanaya kulankoodii labaad ee kalfadhigii koowaad, waxaana lagu wadaa in ay dood ka yeeshan xiliga kama danbeysta ah ee la qabanayo doorashada gudoonka baarlaamaanka Soomaaliya.

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammniga xarunta golaha shacabka oo saacadaha soo socda lagu wado in uu ka furmo kulanka xildhibaannada baarlamaanka oo ay hor yaalaan howl oo culus oo u baahan in  go’aammo laga soo saaro.

Beesha caalamka ayaa dhawaan ugu baaqday baarlamaanka  in uu dadajiyo geedi socodka doorashada oo marar badan oo hore dib u dhac ku yimid, gaar ahaan doorashada gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo tan madaxweynaha.

Sida uu sheegay guddoomiyaha KMG ee xildhibaanada golaha shacabka Cismaan Cilmi Boqore, waxaa kulanka maanta diirada lagu saari doonaa dhismaha gudiga doorashada guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Cismaan Cilmi, wuxuu sheegay in kulanka maanta uu yahay midkii labaad oo xildhibaanada ay iskugu yimaadaan, maadaama kulankii koowaad uu dhacay maalintii dhaarinta xildhibaanada.

Xubnaha gudiga doorashooyinka ee guddoonka baarlamaanka ayaa kasoo shaqeyn doona shaacinta waqtiga rasmiga ee ay dhaceyso doorashada gudoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Amaanka xarunta golaha shacabka iyo hareeraha xarunta ayaa aad loo adkeeyay, waxaana waddooyinka lagu daadiyay ciidamo xaqiijiya amaanka dhismaha baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here