Baarlamaanka oo manta khudbad ka dhageysanaya musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka

0
99

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay dhageystaan khudbadaha musharixiinta u taagan xilka guddoonka barlamaanka 10aad ee Soomaaliya.

Musharixiinta ayaa sii bandhigi doona waxqabadkooda, waxaana ugu horeyn hor iman doona xildhibaannada musharixiinta u taagan xilka guddoomiyaha, oo ilaa iyo hadda ay isku soo taageen ilaa afar xildhibaan.

Doorashada guddoonka baarlamaanka ayaa ah mid salka ku heysa loolanka adag ee u dhaxeeya musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo mid walba xusul duub adag ugu jiro siddii musharax ay isku fikir yihiin ugu soo bixin lahaa xilka guddoonka baarlamaanka.

Guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cismaan Cilmi Boqore, ayaa sheegay in sidoo kale xildhibaanada baarlamaanka loo gudbin doono liiska musharixiinta iska diiwaan gelisay xilka guddoonka baarlamaanka.

Ugu danbeyntii, ilaa 22 musharax ayaa u taagan xilalka guddoomiyaha baarlamaanka, ku xigeenka koowaad iyo ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here