Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kahadlaya qodobo dhowr ah

0
84

Muqdisho (RKGS)-Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah hab dhowraha Baarlamaanka ayaa  sheegay in kulanka Baarlamaanka ee maanta uu hor-yaallo ajandayaal dhowr ah.

Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa sidoo kale wuxuu sheegay  in kulanka Baarlamaanka looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin dib u eegista  Dastuurka, ansixinta qaraarka baarlamaanka tobnaad, iyo gudoomiyeyaasha baarlamaanka oo warbxin soo jeedin doona.

Kulanka ay maanta yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqonaya kii labaad kadib fasax dheer oo ay galeen bilowgii bishii Ramadan markaas oo fasax la siiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here