Baartitaano lagu hayo Wiilkii Mindida ku weeraray Jaamacadda Ohio +Sawirro

0
85

Booliska iyo Hey’adaha dambi baarista Maraykanka ayaa wali baaritaan ku haya hooygii uu Magaalada Columbus Ohio ka deganaa Abdirizak Ali Artan oo ah 20 jir Soomaali ah, islamarkaana weerar mindi loo adeegsaday ka geystay Jaamacada Ohio State University.

Boliisku ayaa waxay ka kaxaysteen dhammaan Qoyskii Abdirizak oo ka koobnaa Hooyo iyo 6 Caruur ah oo dhamaantood su’aalo laga weydiinayay qofka Cabdirizaq ahaa, waloow in ka badan 10 saac la haystay hadana waa la fasaxay ugu dambeyntii.

Cabdirizak waxa uu ka yimid, waxna ku soo bartay Dalka Pakistan, waxa uu sida la sheegay ahaa qof aad u jecel waxbarashada, waxa uuna kaalimaha koowaad ka gali jiray Imtixaanaadka, isaga oo ahaa shaqsi dhanka cibaadada ku wanaagsanaa sida ay noo xaqiijiyeen dad ay is yaqaaneen.

Wariyaha SONNA ee nooga soo waranta Magaaladaasi Deeqa Shire Warsame Deeqa SONNA ayaa sheegeysa in Wiilkaasi naf ahaantiisa waxa uu ka mid ahaa Ardeyda Jaamaca OSU oo uu sanadkii 2aad waday.

Hey’ada Cair oo ah hey’ad u dooda xaquuqda Muslimiinta Mareykanka ayaa shir-jara’id oo ay si wada jir ah u qabteen jaaliyadda Soomaaliyeed waxa ay ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin dhacdadaasi iyo in falalka noocan ah aysan ka tarjumayn Muslimka iyo dhaqanka suban ee Diinta Islaamka.

Masuuliyiintii ka hadlay shirkan Jara’id ayaa sheegay in wali aan si cad loo qeexi karin sababta ku dhalisay falkaasi Cabdirizak iyo in uu baaritaan wali socdo.

Hay’adaha Nabadsugida, iyo kuwa danbi baaristaya ama dabagalka ayaa jaaliyada ka codsatay in ay kala shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa falalka noocan oo kala ah.

Dhacdadaasi waxay xanuun iyo hadal hayn ku abuurtay Mujtamaca Muslimiintaa gaar ahaan Soomaalida oo awal ka wel welsanaa sida Madaxweynaha dooran ee mareykanku uu farta ugu fiiqay iyo halisaha ka dhalan kara.

Dhacdadaasi waxay imaanaysaa xili Soomaalida Mareykanku aad uga naxeen ugana wer wereen natiijadii ka dhalatay Doorashadii ka dhacday Wadanka Mareykanka oo u ku soo baxya shaqsi si cad u muujiyay neceybka Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here