Ban Ki-Moon iyo Madaxweynaha Kenya oo ka wada hadlay xiritaanka Xerada Dhadhaab

0
84

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadlay arrimaha dib u celinta qaxootiga iyo xiritaanka xerada Dhadhaab.

Ban Ki-Moon ayaa ku booriyay dowladda Kenya inay kala shaqeyso Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dib u celinta qaxootiga xerada Dhadhaab ee la kala saxiixday sanadkii 2013.

Mr Ban Ki-moon ayaa ku amaanay dowladda Kenya mudadii dheereyd ee ay marti gelisay qaxootiga, waxaana uu balan qaaday in Qaramada Midoobey ay sii wadeyso taageerida dhinacyada bani’aadanimo iyo horumarinta ee ay la garab taagan tahay Kenya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa balan qaaday in la hirgelin doono heshiiskii saddex geesoodka ahaa, kaasoo dhigayay in qaxootiga iskood u doonaya in dib dalkooda loogu celiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Kenya ayaa ka dalbaday Ban Ki-moon in Ciidamada Midowga Afrika la hoos-keeno Qaramada Midoobey, isla markaana ay noqdaan Ciidamo UN ah, maadaama dhaqaalihii Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga la dhimay.

Madaxweynaha Kenya ayaa lagu wadaa in Midowga Yurub uu kala hadlo arrimaha mushaar dhimista, kadib markii Midowga Yurub uu 20% jaray mushaaraadkii uu siinayay Ciidamada AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here