Banaanbax lagu Taageerayay go’aankii ICJ oo lagu qabtay Muqdisho

0
86

Banaanbax lagu Taagerayay Guusha Soomaaliya ay ka gaartay Dacwada Badda ayna ka qeyb galeen Mas’uuliyiinta gobolka Banaadir ayaa goordhow ka dhacay Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb galay inta badan Shacabka kunool Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale Gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Waxaa lagu qabtay Banaanbaxa Taalada Daljirka Dahsoon, waxaana soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir.

Shalay ayay ahayd Markii Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ ay si rasmi ah u shaacisay in ay geli karto ama ay qaadi karto Dacwada Muranka badda ah ee u dhaxeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, Waxaana Dowladda Kenya ay horay u diidan in Maxkamada ICJ aysan qaadi Karin dacwada kala dhaxeysa Dowladda Soomaaliya ee la xiriirta badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here