Beesha Caalamka Oo Ka Hambalyeeyey Horumarka Laga Gaaray Doorashooyinka Labada Aqal.

0
109

Muqdisho, 20 Nofembar 2016 – War Saxaafadeed ay si Wadajir ah u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-goboleedka IGAD, Dowladaha Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Britain iyo Dowladda Maraykanka ayaa ugu horreyn ku baaqay in xubnaha Madasha Hoggaanka Qaran ay ka hortagaan cabashooyinka ka imaanaya hannaanka doorashada.

War-saxaafadeedka waxaa lagu yiri “Saaxiibada Beesha caalamku waxay hay’adaha Soomaaliyeed iyo gaar ahaan guddiyada doorashada ee gaarka ah ee dalku leeyahay ugu hambalyeynayaan horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray doorashada labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka ee soo socda. Codeyn ayaa loo qabtay 43 kursi ee 54ka kursi ee Aqalka Sare ee baarlamaanka. Waxaa sidoo kale la qabtay doorashada 112 kursi ee 275ka kursi ee Golaha Shacabka”.

Beesha Caalamka ayaa ku taliyey in Barlamaanka cusub iyo dowladda federaalka ee soo socota loo soo doorto si waafaqsan xeerarka ay dejisay Madasha Hoggaanka Qaran ayna hirgeliyaan Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada Dadba (GFHDD) iyo Guddiyada Dowlad Goboleedyada ee Hirgelinta Doorashada Dadba (GDGHDD). Sharciyadda iyo xalaalnimada dhabta ah iyo sida loo arko hannaanka ayaa muhim u ah in la aqbali karo lagu kalsoonaan karo Barlamaanka iyo dowladda federaalka ee soo socota.

Muhimadda ay leedahay shaqada Hannaanka Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban (HXKHDD) oo dib u eegid ku sameynaya cabashooyin badan ee ka soo gaara musharaxiinta diiwaangashan si ay qof qof ugu qiimeeyaan in la rumeysan karo cabashooyinkooda, ayay Beesha caalamku hoosta ka xariiqday. Waxay sidoo kale aqoonsan tahay kaalinta mugga leh ee ay Odey dhaqameedyo badan ka cayaarayaan xallinta khilaafaadka u dhexeeya Beesha dhexdeeda.

“Saaxiibada caalamku waxay sii wadaan inay walaacooda la wadaagaan madaxda ku habboon oo ay kamid yihiin madaxweynayaasha maamul-goboleedyada” ayaa Warsaxaafadeedka lagu yiri. Waxayna Beesha Caalamku muujiyeen sida buuxda ee ay u taageerayaan go’aanada ay guddiyada GFHDD iyo HXKHDD ku hakiyeen codaynta kursi gaar ah ama reebid musharax guulaystay iyadoo loo cuskanayo caddayn buuxda oo xaqiijinaysa cabasho wax isdabamarin halis ah oo la xiriirta geedi-socodka doorashada.

Waxay ku boorrinayaan GFHDD iyo GDGHDD inay u hogaansanaadaan waajibaadyadooda shaqo iyagoo u danaynaya daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka. GDGHDD waa inay waqtiga loogu talagalay usoo gudbiyaan GFHDD liisaska ergada iyo musharaxiinta, qoondada kuraasta u gaarka ah musharaxiinta haweenka ah iyo natiijada codbixinta hordhaca ah. GFHDD waa inuu daabacaa liisaska musharaxiinta baarlamaanka uuna u faafiyaa si ballaaran.

“Geedi-socodkan doorasho wuxuu u socdaa si aad uga wanaagsan sidi dad badan ay saadaalinayeen saddex ama lix bilood kahor. Arrinta waxaa ka dhalan kara cawaaqib aad u xun haddii dhacdooyin ku-takrifal, sharci jebin iyo anshax xumo ah ay dhaawacaan wax haddii la hagaajiyo noqon lahaa guul ballaaran,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. “Waxaa lagama maarmaan ah in HXKHDD uu baaritaan ku sameeyo warbixinnada lagu kalsoonaan karo ee ku saabsan ku-xadgudubka xeerarka iyo nidaamyada geedi-socodkan, iyo in tallaabada ku habboon la qaado si loo ilaaliyo sharciyadda Geedi-socodka”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here