Booliska Belgium oo xir xiray dad looga shakisan yahay inay qorsheynayeen weeraro Argagixiso

0
103

Booliska Belgium ayaa xalay qaaday howl gal ballaaran oo lagu qab-qabtay 12 ruux oo looga shakisan yahay inay diyaarinayeen weeraro argagixiso.

Howl galkan ayaa ahaa kii u horeeyay noociisa, saddex bilood kadib weeraradii magaalada Brussels, iyadoo howl galka laga sameeyay illaa 16 degmo oo ku yaalla agagaarka Brussels.

Dacwad oogaha Belgium ayaa sheegay in dadka la qab qabtay ay ka mid ahaayeen illaa 40-ruux oo su’aalo la weydiiyay.

Meelaha la baaray ayaa waxaa ka mid ahaa 152 garaash ku yaala gudaha iyo hareeraha magaalada Brussels, halkaasoo looga shaki qabay in weeraro lagu diyaarinayay.

22-kii bishii Maarso ayay aheyd markii 32 ruux lagu dilay weeraro qaraxyo ka dhacay garoonka diyaaradaha iyo goob laga raaco tareenada oo ku yaala magaalada Brussels.

Belgium ayaa feejigaan sare ku jirtay tan iyo wixii ka dambeeyay weeraradii Paris ee dhacay bishii November, iyadoo kooxdii weerarkaas ka dambeysay la sheegay inay weerarada ka abaabuleen dalka Belgium.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here