Boqorka Sacuudiga oo magacaabay wasiirro iyo xilal kale.

0
98

Saudi Arabia ayaa wareegto ka soo baxday Aqalka Boqortooyada ku shaaciyay in la abuuray Wasaarad cusub oo qaabilsan Dhaqanka,isla markaana loo magacaabay Wasiir Badr bin Abdullah bin Mohammed bin Farhan Al-Saud.

Wareegtadaan ka soo baxday xafiiska Boqor Salmaan,ayaa waxaa gooni loo taagay Wasaaradda Warfaafainta , halkii ay horay u aheyd Dhaqanka iyo Warfaafinta.

Ahmad Al-Rajhi,ayaa sidoo kale loo magacaabay Wasaaradda Shaqada iyo Horumarinta,isagoo badalay Ali Al-Ghafis, oo sanadkii 2016-kii  loo doortay xilkaasi.

Sheikh Abdulatif Al-Sheikh, oo horay u qaabilsanaa Arimaha Diinta,ayaa hadda loo magacaabay Wasiirka Arimaha Diinta.

Wakiillo cusub ama Guddi ayaa loo magacaabay magaalada Maka iyo Goobaha Barakeysan,iyadoo sidoo kale  Abdullah Al-Saadan loo magacaabay wakiilka Boqortooyada e Jubail iyo Yanbu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here