Bulshada Gobolka Bari oo Maanta Roob-Doon isugu soo Baxay (SAWIRRO)

0
88

Magaalada boosaaso ee xarunta, Gobalka Bari ayaa ayaa maanta waxaa ka dhacday isku soo bax roob doon ah oo dadka Alle ku weydiisanayeen in uu roob siiyo ummadiisana ka dulqaado abaaraha ka jara deegaanada soomaaliyeed,

Dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulsahada boosaaso, maamulka Gobalka Iyo Kan dagmada ayaa ka qeybgalay roobdoonkaasi

Culimada ugu sarreysa dhanka diinta ee Magaalada Booasaaso ayaa halkaas ka jeediyay ducooyin badan oo ay ku dalbanayaan naxariista Alle.

Xaalad-da abaareed iyo mida biyo la,aaneed ayaa aad usoo badanaysa Guud ahaan deegaanada iyo Dagmooyinka Puntland kadib markii roobabkii xiliga dayrta uusan cirka biya keenin, waxaana deegaanada iyo dhulka miyaga abaaraha ka jira  si rasmi ah uga bilowday gurmad xoogan oo la gaarsiinayo dadka iyo duunyada                            ay saamaysay abaartu.

Shacabka iyo Dowladda Puntland oo is-kaashanaya ayaa bilaabay gurmad isugu jira dhaqaale uruurin iyo biyo dhaamin loo sameenayo deegaanada abaaraha saameyeen , si gurmad bini’aadantinimo dadka dhibaateesan loogaarsiiyo.

fb_img_1479370378665-300x200 fb_img_1479370385536-300x200 fb_img_1479370388346-300x200 fb_img_1479370391970-300x200 fb_img_1479370394562-300x200 fb_img_1479370401376-300x200 fb_img_1479370404327-300x200 fb_img_1479370407431-300x200

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here