Burundi oo Ciidamo Polis ah loo dirayo.

0
82

New York (Daljirnews) Golaha amaanka ee Qaraamada Midoobay, ayaa isku raacay in Ciidamo Poolis ah loo diro dalka Burundi, Walow  qaar ka mid Golaha Golaha cabsi ka qaban in Dowlada Burundi  ay ciidamadaasi ogolaan doonin.

Wadamada Masar,China,Angoola, iyo Venezuwella ayaa ka aamusay u codeynta qaraarka Golaha amaanka  Ciidamada ugu dirayo dalka Burundi.

Ciidamada Poliska ee loo dirayo dalkaasi, ayaa la sheegay inay howshoodaa noqon doonto kormeerka  xaaladda dalkaasi oo shaqaaqooyin cusub ka dilaaceen markii Madaxweynaha Burundi  Pierre Nkurunziza mar sadexaad dib loo doortay bishii Julay 2015kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here