Caasimadda koonfur galbeed ee Baraawe oo hormar laga dareemayo.

0
99

Gudoomiyaha maamulka magaalada Baraawe ee caasimadda dowlad gobaleedka koonfur galbeed soomaaliya Aadan Cumar Madoowe ayaa sheegay in degmada Baraawe ay hadda cagta saaratay wadada horumarka iyo sidii ay ula jaan qaadi lahayd caasimadaha dowlad gobaleedyada dalka.

Madoowe gudoomiyaha maamulka baraawe ayaa sheegay in degmada ay ka socoto horumaro dhan walba leh oo ay kamid yihiin sugidda amniga oo lagu guulaysaty, dib u soo celinta adeegyada bulshada ee baraawe, iyo Shaqo abuurka dhalinyarada ku nool degmadaasi.

Gudoomiye Madoowe ayaa sidoo kale sheegay in meel wanaagsan ay marayaan howlihii dhismaha dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe ee caasiamadda dowlad gobaleedka koonfur galbeed.

Magaalada Baraawe ee gobalka shabeelaha hoose ahna caasimadda koonfur galbeed soomaaliya ayaa horey looga dhisay xarumihii ay ku shaqeyn lahaayeen madaxda, sida madaxtooyada iyo xaruntii baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here