Canada oo soo dhaweysay 30 kun Qaxooti Suuriyaan ah.

0
139

Ottawa (RKGS) Wasiirka  Socodaalka iyo Jinsiyadaha dalka Canada Jhon Maklom ayaa sheegay inuu dalkiisa  dib u dejin u sameeyay Tobankii bilod ee la soo dhaafay in ka badan 30 kun Qaxooti Suuriyaan ah oo dalkooda ka soo cararay.

Wuxuuna intaa raaciyay Qaxootoyadaasi  loo dhameystiray dhaman tashiilaadkii iyo adeegyadii  asaasiga u ahaa sida amniga, Caafimadka,Waxbarashada iyo adeegyo kale.

Jhon Maklom, wuxuu kaloo sheegay in Sadexda sano ee soo socoda dalkiisu qaadan doono tiro Qaxiitiyal intaa ka badan, kuwaasoo uu sheegay in intooda badan uga imaan doono qaxootiyeyaasha Suuriyaanka oo si KMG ah loogu hayo Xerooyin ku yaal gudaha dalka Turkiga.

Hadalka Wasiirka Socodaalka iyo Jinsiyadaha Canada ayaa imaanayaa ka hor kulnka Qaraamada Midoobay  oo la filayo inTodobaadka soo socoda uu ka dhaco magaalada New yourk ee dalka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here