Caruurta ugu badan dunida ee waxbarashada ka hara ayaa ku nool Nigeri

0
166

Inka badan kala bar carruurta dunida ee aan dhameysan waxbarashada ayaa ku nool Nigeria, sida uu sheegay Xoghaya Guud ee waaxda waxbarshada ee waddanka Nigeria.

Wargeyska Premium Times ayaa qoray in Adamu Xuseen uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay n tirada ugu badan ee caruurta waxbarashada ka harta dunida ee labaatanka milyan ah toban ka mid ah ay yihiin caruurta Nigeria.

Adamu Husainin ayaa sidoo kale waxa uu sheegay ”In labaatankii sanno ee u dambeeyay ay hay’addaha gargaarka iyo dowladdu Nigeria ay ku howlanaayeen tayeynta waxbarashada si wax looga qabto dhibaatooyinkaasi”

Balse xaqiiqada ayaa ah in wali ay aad u yartahay tirada ardayda iska diiwaangaliya waxbarashada iyo kuwa dhameysta iskuuulada ee kasoo jeeda qoysaska laga tirada badan yahay iyo waliba kuwa dhibaateysan.

Dowaladda dhexe ee Nigeria ayaa aaminsan inuu qaranuusan gaari karin baraare dhaqaale haddii uusan jirin nidaam waxbarasho oo tayo leh.

”Waxbarsho nidaamsan ayaanan lagu guuleysan karin sidoo kale haddii ummadu aysan helin amni iyo xasilooni”, ayuu sii raaciyay Xuseen

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here