Ciidamada Amaanka oo gacanta ku dhigay hub gaadiid iyo dadkii gacanta ku hayey.

0
89

Muqdisho (RKGS) Afhayeenka Wasaarada amniga dowladda Soomaaliya Cabdikaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya  howlgalo ay ka fuliyeen degmada Warta Nabadda ay kusoo qabteen Gaadiid iyo hub saarnaa iyo dad lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyhiin ururka Al-Shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay 160 qof iyo sidoo kale 3 gaari ,ka dibna baaritaan lagu soo sameyay ciidanka amniga ay gacanta kusoo dhigeen rag lagu tuhmaayo Shabaabnimo.

“Howlgalka waxaa ka qeyb galay ciidamada Nabad-sugidda, Booliska, militariga iyo AMISOM, waxaa laga fuliyey xerada Cuuryaamiinta eek u taala degmada Warta-Nabadda, waxaan qabanay 3-gaari hub saarnaa iyo dadkii lagu tuhmayey iney gacanta ku hayeen hubkaasi”Ayuu yiri C/kaamil Macalin Shukri.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in lasii daayey dadkii kale ee baaritaanka lamariyey balse lagu waayey wax dambi ah, sida uu sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here