Ciidamada Dowladda oo dib ugu laabtay degaanka Buulo-guduud

0
91

Degaanka Buulo-guduud oo saakay aroortii uu ka dhacay Dagaal mudo saacad ah socday ayaa hada xaaladiisa waxa ay tahay mid degan, sida ay warbaahinta Risaala u sheegeen dadka degaanka.

Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa xoogga dalka iyo Ciidamo ka tirsan Jubbaland ayaa dib ula wareegay degaankaasi, kadib weerarkii ururka Shabaab ee saakay aroortii, sida ay sheegeen saraakiilka tirsan Ciidamada Dowladda.

Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa saakay weerar gaadmo ah waxa ay ku qaadeen saldhig Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degaanka Buulo-guduud, oo qiyaastii 30-KM dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo Ayadoona Qasaaro Xoogan La Gaarsiiyey.

Weerarkan oo ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay ilinka hore ee xerada, ayaa waxaa xigay iska horimaad fool ka fool leh, oo labada dhinac ku dhexmaray halkaasi.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in saldhigaasi ay ku dileen in ka badan 20 askari, halka ay sheegteen in Saddex gaari oo nooca dagaalka ah ay halkaasi ka qaateen.

Ciidamada Militarga Dowladda iyo kuwa Jubbaland oo ay wehlinayan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Mareykanka ee degan duleedka Magaalada Kismaayo, ayaa bishii hore guluf ay ku qaadeen degaankaasi ugala wareegay Shabaabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here