Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaanka Mooro-Gaabey

0
101

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la wareegay deegaanka Mooro-Gaabeey oo qiyaastii 30 KM u jirta degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, iyagoo ku sii siqaya deegaanno hor leh.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada XDS oo gacan ka helaya kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa si nabad ah kula wareegay deegaanka Mooro-Gaabeey kadib howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka al-Shabaab oo ay halkaasi ka fuliyeen.

Jeneraal Xasan Baydhabo oo ciidamadaasi hogaaminayay ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalladaasi, isagoo xaqiijiyay in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Mooro-Gaabeey oo istiraatiiji u ah howlgallada Ciidamada XDS ay ku baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka al-Shabaab.

Jeneraal Xasan Baydhabo ayaa tilmaamay in ciidamadu ay dileen labo ka tirsanaa al-Shabaab, kuwaa soo sahan ahaa islamarkaana watay labo mooto oo nooca dhug dhugleyda ah, wuxuuna xusay in ay ka qaateen hubki iyo Mootooyinki ay isticmaalayeen maleeshiyaadkaasi.

Jeneraalka ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada XDS ay isku filan yihiin marka la eego howlgalada ay ka fulinayaan deeganadaasi, ayna ka maarmi karaan gacan ay ka helaan kuwa AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here