Ciidamada Nabad Sugidda Oo Xalay Qabatay Gaari Waxyaabaha Qarxa Lagu Soo Buuxiyay.

0
97

Muqdisho (RKGS) Ciidanka Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa gacanta ku dhigay gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa, kaas oo la dhigay meel  Wadada Dhinaceeda.

Guddoomiyaha Degmada Boondheere Qaasim Cabdulle Xasan oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA la hadlay ayaa sheegay in gaariga la dhigay goob wadada dhinaceeda ah oo ay aad ugu badanyihiin dadka shacabka ah.

“Dhibaato ayay u maleegayeen dadka masaakiinta ah, waad ujeeddaan gaariga waxaa laga helay Fuusto ay kabuuxaan aaladaha qarxa, Haamo, Jawaano biro iyo boolal laga soo buuxiyay RPJ iyo qoryo”.ayuu yiri Mudane Qaasim

Ugu Dambeyntii Guddomiyaha Degmada ayaa u mahadceliyay Ciidamada Hay’adda NISA iyo Shacabka dagmada oo Markii ay gaariga arkeen ku wargaliyay hay’adaha Amaanka.

gaari-qarax gaari-qarax-2 gaari-qarax4 IMG_1041

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here