Ciidanka DANAD Oo saldhig Al Shabaab Leeyihiin Bur-Buriyey

0
94

Ciidamada xogga dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababar ee DANAB oo gacan ka helaya ciidamo Mareykan ah ayaa la sheegayaa in maalmihii la soo dhaafay ay  labo howl gal ka fuliyen Koofurta Soomaaliya .

Howl galadaasi ayaa ka dhacay saldhig Al-Shabaab ku lahaayeen degmada Saakow ee gobolka Jubadda dhexe, iyadoo lagu dilay ilaa 30 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab,

Waxaa loo maleenayaa in howl galadaasi xubnaha lagu dilay uu jiro hoggaamiyaha Al-Shabaab sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo magciisa ka gaabsaday in la xuso.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in howl galada lagu dilay afhayeenkii al-Shabaab ee dhinaca dagaalka Abuu Muscab iyo nin magaciisa lagu sheegay Abu Omar.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maleeshiyada shabaab, Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya oo ku aadan howl galadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here