Ciidanka dowladda oo Howlgal Saaka ka wadda degmada Afgooye

0
91

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgallo waxa ay ka wadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose sida ay sheegeen dadka degaanka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa baadigoobaya dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lagu tuhmaayo in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Xaafadaha degmada Afgooye ee gobalka shabeelada hoose.

Ciidanka Hay’adda Nabad suggida iyo sirdoonka Qaranka ayaa shalay degmada Afgooye ku qabtay Mootooyin ay saarnaayeen walxaha Qarxa, sidoo kale ilaa iyo hada waxaa socoda baaritaano kala duwan.

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay adkeyn doonaan  Ammaanka degmada Afgooye , madaam Al-Shabaab ay dhowr jeer kusoo qaadeen weeraro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here