Ciidanka dowladda oo howlgalo ka wada Beled-Xaawo

0
90

Baled Xaawo (RKGS) Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgalo ka wada degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo .

Howlgalka ayaa lagu baadigoobayaa rag hubeysan oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan maleeshiyaadka  Al-Shabaab oo xalay Nabadoon dil ka geystay gudaha degmada.

Masuuliyiin katirsan maamulka degmada ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay gacanta kusoo dhigaan kooxahaasi ka dambeyay falalka amniga lidiga ku ah.

Maleeshiyada AL-shabaab ayaa markii ciidanka dowlada ay kala wareegeen meelo badan oo dadka ay ku dhibaateyn jireen waxa ay bilaabeen dhibaateyn dadka rayidka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here