Ciidanka Dowladda Oo la Wareegay Deegaano ka tirsan Sh/Dhexe

0
107

Jowhar (RKGS) Ciidamada dowladda fedeaalka Soomaaliya ayaa waxa ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe kadib dagaal ay la galeen Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay Shabaab ku lahaayeen deegaano hoostaga degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dadka deegaanka ayaa Risaala u sheegay in dagaalka uu geystay khasaare soo kala gaaray labada dhinac inkastoo aan la si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Saraakiisha dowladda ee ku sugan Jowhar ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkan uu qeyb ka yahay howlgallo Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Shaabeelaha Dhexe, waxaana ay sheegeen in ay sii soo socon doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Xaalada deegaanadii lagu dagaalamay ayaa la sheegay in hada ay yihiin kuwo degan, waxaana hada goobihii lagu dagaalamay gacanta ku haya ciidanka dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here