Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo hawl-gal ka fuliyed J/Hoose.

0
119

Kismayo (RKGS) Ciidamada Qalabka kuwooda sida gaarka ah u tababaran “Kumaandoos” ayaa xalay ka fuliyey hawl-gal qorsheysan deegaanka Cabdi-Dhoore ee gobalka Jubbada Hoose, oo qiyaastii 40km dhanka galbeed kaga began Magaalada kismaayo,waxaana ay ciidanku ku bur-buriyeen Bar koontarool ay halkaasi ku lahaayeen,maleeshiyaadka Al-shabaab .

Ilo lagu kalsoon yahay oo dhannka Ciidanka Qalabka sida ayaa u xaqiijiyey Wakaalada Wararka soomaaliyeed ee SONNA in hawl-gaas uu bartilmaameedkiisa ahaa fariisin maleeshiyaadka Al-Shabaab ku la haayeen deegaankaasi.

“Ciidanka Commandos-ka ayaa deegaanka Cabdi-Dhoore ka fuliyey hawl-gal xalay, waxayna bur-buriyeen Bar fariisin ah oo Shabaab-ka canshuur ku qaadayeen, ciidanku way bur-buriyeen goobtaas, waxa ay ka soo qaateen hub iyo agab kale oo ciidan, mana jirin wax iska caabin ah intii uu hawl-galka socday”, sidaa Waxaa SONNA u sheegay sarkaal ka tirsan Ciidanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here