Ciidanka Xoogga Dalka oo fuliyey howl-gal lagu qabtay xubno katirsan Al-shabaab

0
124

Ciidammada Xoogga dalka  ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan raggii Al-shabaab Qaraxyada ugu diyaarinayey gobolka Shabeellaha Hoose kaddib weerar ay ku qaadeen kooxdaas.

Ciidammada Xoogga dalka ayaa qaadey weerar qorsheysan oo ka dhacay dhowr saldhig oo ay Al-shabaab ku lahaayeen dhulka Hawdka ah ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“waxaa la burburiyey saddex Saldhig oo Argagixisada ku diyaarin jireen Qaraxyada, waxaan gacanta lagu dhignay koox malleeshiyo Qaraxyada Qaabilsaneyd oo  hadda ku jira gacanta ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed,  howlgalka waxaa fuliyey ururka 15-aad ee qeybta 12-ka April” waxaa sidaas yiri  Gaashaanle sare Maxamed Maxamuud Guutaale oo ah taliyaha qeybtaas.

Ciidammada Xoogga dalka  oo ay kaabayaan saaxiibbada Mareykanka ayaa sii kor dhiyay beegsiga saldhigyada iyo horjoogeyaasha Al-shabaaba ay ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose iyo Gobolada kale ee Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here