Ciidanka xoogga Dalka oo la wareegay degaanka Ceel-Hareeri

0
104

Dhuusa-mareeb (RKGS) Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ayaa si buuxda ula wareegay degaanka Ceel-Hareeri ee Gobolka Gal-gaduud, halkaasi oo horay ugu sugnaayeen Maleeshiyaadka tirsan Al-shabaab.

Ugu yaraan Toban Qof ayaa looga dilay Kooxda Al-shabaab,Todoba kalana gacana ayaa looga dhigay, sida ay xaqiijiyeen  Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka,kuwaasoo dhaawacyadooda la geeyay Degaanka Galcad ee isla Gobolka Galgaduud.

Waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka soconayay qaybo ka mid ah Gobolka Gal-gaduud hawl gallo ay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM ay kaga sifeynayaan kooxaha nabad-diidka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here