Daawo Al-shabaab waxay qafaal kula kacaan caruurta,

0
51

02.Al-shabaab waxay qafaal kula kacaan caruurta, si ay ugu bar-bariyaan fekerkooda qaldan, waxaana jira caruur badan oo ay waalidkooda ka qafaasheen, kuna shubeen fekerka argagaxisada.

C/ladhiif Axmed Mayow isaga oo 10-sano jira ayaa waxay Al-shabaab ka qafaasheen waalidkiisa, hase ahaatee sanado badan oo uu la joogay kadib, waxa uu fursad u helay inuu kusoo biro xarumaha dhaqancelinta dalka.

Hadda waxa u rajeynayaa inuu gnacsade noqdo, isaga oo la baray xirfado badan oo uu ku shaqeysto.

#dadkaagakamidnoqo

03.Al-shabaab ayaa gobaha ay ku sugan yihiin waxay awood u sheegtaan beelaha ku nool, iyaga oo ku amra in beeshiiba ay geyso 10 dhalinyaro ah oo ay fekerkooda argagaxisenimo baraan.

Nuur Macalin Ibraahim ayaa ka mid noqday 10 dhalinyaro oo beesha uu kaso jeedo ku wareejisay Al-shabaab, balse muddo uu la joogay kadib, wuxuu ka faa’ideystay barnaamijka is soo dhiibayaasha.

Wuxuu Nuur sheegay in hadda uu dareemayo nolol aad uga duwan middii uu ku jiray, wuxuuna ugu baaqay dhallinyarada kale ee ka midka ah Al-shabaab iney dowladda isku soo dhiibaan si ay u helaan nolol wanaagsan

#dadkaagakamidnoqo

04.Ibraahim Isaaq Buulle ayaa ka mid ah dhallinyaradii isaga soo baxday A-shabaab, wuxuu sheegay in markii uu ogaday fekerkooda qaldan uu marar badan isku dayey inuu soo baxsad, balse ay kooxdu dhibato xabsi iyo jirdil ah u geysatay.

Waxa uu Ibraahim u sheegay saaxiibadii uu kaga soo tagay A-shabaab, in ay haystaan fursad wanaagsan oo ay dadkooda kaga mid noqon karaan, kana faa’ideystaan barnaamidka is soo dhiibayaasha, si ay u helaan nolol aad u wanaagsan.

#dadkaagakamidnoqo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here