Daawo Sawirada:- Shir Looga Hadlayo Arimaha Doorashooyinka Oo Kafurmey Magaalda Baydhabo

0
106

Baydhabo(RKGS) Magaalada Baydhabo Ee Xaruunta  KMG Dowlada Koonfur Galbeed Waxaa Kafurmey Shir Looga Hadlayo Dooorka Odayaasha Dhaqanka Ay ka Qaadan Karaan Arimaha Doorashooyinka Dalka

Shirkan  Oo Qeyb ka ah Shirarka Laxiriira Nidaamka Doorashooyinka Dalka Iyo Soo Xulista Xildhibaanada Qaran Oo Badali Doono Kuwa Haatan Waqtigooda Dhamaadey  ayaa  Wuxuu Ahaa Mid Uu Soo Qaban Qaabiyey Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka  Koonfur Galbeed Somalia Mudane Mohmed Abdulahi Mursal  Waxaana Kasoo Qeybgaley  Gudoomye Kuxigeenka Gudiga Doorashooyinka Dalka Ee Heer Federal  Marwo Deeqa Yasin,Xubno Katirsan Gudiga Doorashooyinka Maamulka KGS  iyo Wakiilo Kasocdey Hay’ada UNSOM

Hirgalinta Iyo Kaguul gaarida Arimaha Doorashooyinka Dalka Ayaa Waxaa Saldhig u ah Odayaasha Dhaqanka Oo ayagu Looga Fadhiyo Hawsha Ugu Badan Oo Ah Soo xulista Xildhibaanada Intii shiraraka Doorashooyinka Baidoa Ay Socdaana Lagu bari Doono Arimo Kusaabsan Nidaamka Soo Xulista Xildhibaanada Iyo Guud Ahaan Arimo Badan Oo Laxiriira Doorashooyinka Dalka Ee Sanada 2016

Shirkan Looga Hadlayey Arimaha Doorashooyinka Dalka Oo Baidoa Kadhacay Ayaa Waxaa Qudbado Kasoo Jeediyey Martisharaftii Kasoo Qeybgashey Oo Ay Ubadnaayeen Odayaasha Dhaqanka  Waxaana Intooda Badan Ay Rajo Kamuujeen Doorashooyinka Dabyaaqada Sanadkan Lafilayo In Dalku Ay kadhacaan.

Dowlada Konfur Galbeed Somalia Ayaa Marka Laga Hadlaya Qoondhada Haweenka Iyo Arimaha Doorashooyinka Waxaa Lagu Amaanaa Kuraasta Haweenka Somaliyeed Laga Siiyey Paarlamaanka KGS Oo Ah 31 Xildhibaano Oo Dumar Ah

Sikastaba Geedi Socodka Doorashooyinka Dalka Ee sanadan 2016 Oo hada Meel Gabagaba Ah maraya ayaa Waxaa Laga Soo Gudbey Mar Xaalado Badan ayadoona Lafilaya In Dabyaaqada Sanadkan Dalku Ay kadhacaan Doorashooyin.

 

 

HALKAN KA EEG SAWIRADA

Ateera (4) Ateera1 Ateera2 Ateera4 (2) Ateera5 (1)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here