Daawo Sawirada: Wararkii ugu dambeeyay weerarka lagu qaaday Garoonka Magaalada Istanbul.

0
89

Istanbuul(RKGS) Waxay faah faahin ka soo baxeysaa weerar abaabulan oo xalay lagu qaaday Garoonka Caalamiga ah Ataturk ee Magaalada Istanbul, iyadoo dhinaca kalana ay ka hadleen Madaxda Turkiga.

Weerarkan oo bilowgii hore ay soo baxeen warar sheegaya in ay soo qaadeen laba nin, ayaa waxaa xilli dambe oo xalay ahayd soo baxday sheeko taasi ka duwan, waxaana la sheegay in ay soo qaadeen illaa afar nin.

Saddex nin, ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay isu qarxisay Garoonka Ataturk, halka midka kalana la sheegay in laga hortagey in uu is qarxiyo, ka dib markii ay toogasho ku dileen Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Garoonkaasi.

Mid ka mid ah raggan oo ku hubeysnaa qori AK47 ah, ayaa waxaa uu rasaas la beegsaday Terminal Garoonka, gaar ahaan qaybta ay ka soo deggaan dadka ajaaniibta ihi, ee dalxiiska u imanaya dalkaasi. Waxaa la sheegay in ninkan uu in muddo ahba ku sugnaa meel ku dhow Terminalka.

Weerarkan waxaa lagu soo beegay, xilli mashquul badani uu ka jiray Garoonka ku yaala Magaalada Istanbul, iyadoo la fillaayay in diyaarado ka soo deggaan Garoonka, halka kuwa kalana la qorshaynaayay inay ka cago qaataan.

Diyaarado fara-badan oo ku soo wajahnaa Garoonka, ayaa loo weeciyay Garoomada kale ee ku yaala Magaalada Istanbul, iyadoona hakad guud la geliyay dhaq dhaqaaqii ka jiray Garoonka, sababo ku aadan laamaha ammaanka oo baaritaano ka bilaabay.

Dadkii xilligaa Garoonka ka dhoofaayay waxaa ku jiray muwaadiniin Somaliyeed, oo safarkoodu uu ku wajahnaa Magaalada Muqdisho, iyagoo markaasi raaci lahaa diyaaradda Turkish Airways.

Qaasim C/salaan oo ka mid ahaa Somalidii ku sugneyd Garoonka, xilligii uu weerarku dhacaayay, ayaa sheegay in ay maqlayeen rasaas xoog lihi oo ay isweydaarsanayen Ciidamada Booliska iyo dableydii weerarka soo qaaday.

Qaasim C/salaan oo u waramay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa sidoo kale sheegay in ay maqleen tiro qaraxyo is xig xigay, oo ruxay Garoonka caanka ah ee Ataturk.

Warbaahinta Turkiga, ayaa baahisay in dadka ku dhintay weerarkan ay tiradoodu gaartay 36 qof, halka dhaawacuna uu ka badan yahay 100 kale. Dadka qaar waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan, iyadoona uu ku eedeeyay Ururka Daacish oo isu magacaabay (Dowladda Khilaafada Islaamka).

Madaxweynaha waxaa uu weerarkan ku sheegay mid lagu doonaayay in dacaayad looga dhigo dalkiisa, hase ahaatee aanu marnaba weerarkan wax u dhimi doonin sumcadda Turkiga.

Binali Yildirim, Ra’iisal Wasaaraha Turkiga, ayaa dadkiisa ugu baaqay in ay sameeyan Midnimo Qaran, halmeelna looga soo jeesto kuwa qalqal-gelinaya xasiloonida dalka.

Ataturk99-

People leave Turkey's largest airport, Istanbul Ataturk, Turkey, following a blast June 28, 2016. REUTERS/Osman Orsal

Forensic experts work outside Turkey's largest airport, Istanbul Ataturk, Turkey, following a blast, June 28, 2016. REUTERS/Murad Sezer

A police officer is checking security cameras at the Ataturk airport in Istanbul, Turkey, following a multiple suicide bombing, June 29, 2016.  REUTERS/Osman Orsal

 

 

 

 

People leave Turkey's largest airport, Istanbul Ataturk, Turkey, following a blast June 28, 2016.     REUTERS/Murad Sezer

 

 

 

Officials walk inside Turkey's largest airport, Istanbul Ataturk, Turkey, following a blast June 28, 2016.     REUTERS/Osman Orsal
Officials walk inside Turkey’s largest airport, Istanbul Ataturk, Turkey, following a blast June 28, 2016. REUTERS/Osman Orsal

Forensic experts work outside Turkey's largest airport, Istanbul Ataturk, Turkey, following a blast, June 28, 2016. REUTERS/Murad Sezer

Paramedics help injured outside Turkey's largest airport, Istanbul Ataturk, Turkey, following a blast June 28, 2016.     REUTERS/Ismail Coskun/IHLAS News Agency

Armed security man escorts people from a carpark at Istanbul Ataturk airport, Turkey, following a blast June 28, 2016. REUTERS/Goran Tomasevic

An injured woman covers her face as she is carried by paramedics into ambulance at Istanbul Ataturk airport, Turkey, following a blast June 28, 2016. REUTERS/Goran Tomasevic

Armed security stand at an entrance of Turkey's largest airport, Istanbul Ataturk, Turkey, following a blast June 28, 2016. REUTERS/Osman Orsal

A weapon is seen on the floor at Ataturk airport after suicide bombers opened fire before blowing themselves up at the entrance, in Istanbul, Turkey June 28, 2016. Courtesy of 140journo/via Reuters

A view of the entrance of the Ataturk international airport after two suicide bombers opened fire before blowing themselves up at the entrance, in Istanbul, Turkey  June 28, 2016. Courtesy of 140journo/via Reuters.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here