DAAWO SAWIRADA:-Wasiiro Ka Tirsan Puntland Oo Booqday Dadkii Ku Wax-Yeeloobay Qaraxyadii Gaalkacyo,

0
144

madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland  C/xakiim C/llaahi Xaaji Cumar Camay  iyo wasiiro ka tirsan maamulkaasi ayaa waxa ay manta booqdeen isbitaalka guud ee maaalada kalkacyo oo ay ku jiraan dhawacyadii shalay ku wax yeeloobay weeraradii ka dhacay magaaladaasi.

Wasiirka Caafimaadka Puntland, C/naasir Cismaan Cuuke ayaa sheegay in dhaawacyadu ay u badan yihiin dad shacab ah, waxaana uu tilmaamay in kuwa halista ah loo qaadi doono dalka dibadiisa, si loo soo dabiibo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiim C/llaahi Xaaji Cumar Camay ayaa sheegay in weerada ay gaysteen rag, waxaana uu tilmaamay iney baaritaan ku hayaan meeshii laga soo abaabulay iyo dadkii fuliyay.

C/xakiim C/llaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa reer Puntland uga tacsiyeeyay weeraradii ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana uu bulshada ka codsaday iney isku tiirsanaadaan, si ay isaga difaacaan weerarada.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ugu dambayntii u mahadceliyay Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo kuwa maamul Goboleedyada oo uu sheegay iney uga soo tacsiyeeyeen, weerarkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

IMG_3288 IMG_3505 IMG_3474 IMG_3378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here