Daawo sawiradii Maanta soo dhoweyntii Madaxda Qaranka Iyo madaxda Maamul Goboleedyada ..

0
86

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya, halkaa oo uu si rasmi ah uga furay shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.Agendayaasha ugu waaweyn ee shika Looga ayaa waxaa ka mid ah doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan, saadka iyo amniga doorashada, saamiga haweenka ee goleyaasha dowladda,sameynta guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada, arrimaha dib u eegista dastuurka, iyo hannaanka dib u dhiska iyo dib u habeynta booliska.

Waxaa shirkan ka qeybgalaya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, madaxda dowlad goboleedyada iyo xubno kale.

 

 

IMG_0207 IMG_0208 IMG_0209 IMG_0210 IMG_0211 IMG_0212IMG_0314 IMG_0315 IMG_0388 IMG_0392
IMG_0477 IMG_0657 IMG_0658 IMG_0665
IMG_0214 IMG_0215 IMG_0216

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here