Daawo Sawiro:- Dowladda KGS Oo Xalay Casho Sharaf U Sameysay Kooxda Kubadda Cagta Ee KGS.

0
84

Baydhabo (RKGS) Kulankan Casho sharafta ahaa ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Konfur Galbeed waxaana lagu sagootinayay Kooxda Kubadda cagta Konfur Galbeed oo dhawaan ka qeyb gali doonta tartanka Isportiga ee loo qaban doono Maamulka Gobaledyada Dalka kaasi oo dhawaan ka qabsoomi doono Magaalada Muqdisho.

Kulankaan Waxaa Soo Agaasimey Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Koofur Galbed soomaaliya ahna wasiirka hubka dhigista dhaqan celinta iyo tababarada maleyshiyaadka Koonfur Galbeed Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay Waxaana Ugu Horeyn Ka Hadley Munaasabada Gudoomiyaha Sportiga Gobalka Bay Iyo Gudoomiyaha Maamulka Degmada Cabdulaahi Cali Watiin.

Waxaana sidoo Kale Kullankaan Lagu sagootginayey Koxda Kubada Cagta Konfur Galbeed Ka Hadley wasiirka Warfaafinta Iyo Wacyi-galinta Bulshada Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Bay, C/rashiid C/laahi Maxamed, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Koonfur Galbed Maxamed Xaaji Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Sharif  sheekuna Maye.

Gebagebadii Munaasabada lagu sagootinayey Kooxda Kubda Cagta Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa khudbad dheer ka jeediyey kusimaha Madaxweynaha koonfur Galbeed Mudane Xasan Xuseen Eelay Isagoona sidoo kale Dhalinyarada Kula Dardaarmey In ay Muujiyaan Ciyaar Wanaag ayna Kamaamul ahaan Mar waliba ay garab taaganyihiin.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawiro:-

13600213_269486700084843_1126570315485556123_n 104 112 133 123 096 076 026 037 016

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here