Daawo Sawiro:- Faah Faahin Ka Soo Baxaysa Qaraxyadii Ka Dhacay Gaalkacyo.

0
94

Gaalkacyo (RKGS) Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro Ismiidaamin ah oo goor dhaw lagu qaaday xarunta dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo, xili ay ku jiraan xubno katirsan golayaasha dawladda Puntland, gaar ahaana Wasiirada dawladda ee maalmihii u dambeeyey boqashada ku joogay magaalada.

Labo baabuur oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray dhismaha dawladda Hoose, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyey dhimashada in ka badan 10 qof oo ay ku jiraan qaar kamid ah Askartii Ilaalada ka ahayd dhismahan.

Ilaa hadda ma jiraan cid masuuliyiin ah oo la xaqiijiyey dhimashadooda, iyadoo ay adag tahay in xaqiiqada rasmiga ah la ogaado, maadaama ay hada aagagaas oo dhan la wareegeen ciidamada Nabadsugida iyo kuwa Difaaca oo goor dhaw tagay aaga oo dhan.

Qaraxa Labaad ayaa loo adeegsaday Gaari NOHA ah, sida ay sheegayaan dadweynihii arkayey marka uu soo galayay aagga, waxaana uu isku qarxiyey meel ay ku badan yihiin dadweynaha oo kusoo xoomay goobtan.

Goobjoogayaal ayaa seheegay in ay indhahooda saareen 10 qof oo meyd ah, ayna suuragal tahay in tiradu intaas ka badato, maadaama qaraxa 2aad lagu qaaday meel ay Shacab badan iskugu yimaadeen.

1-2-1 3-2 3-2-1 6-2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here