Daawo Sawiro:- Janaraal Subagle oo la wareegay hoggaanka howlgalka AMISOM

0
76

Muqdisho (RKGS) Taliyaha cusub ee howgalka midowga Afrika ee AMISOM janaraal Cismaan Nuur Subagle, ayaa xilka si rasmi ah ugula wareegay taliyihii isaga ka horeeyay ee janaraal Jonathan Rono kadib markii taliyaha cusub uu magaalada Muqdisho  soo gaaray maalinimadii shalay.

Janaraal Subagle taliyaha cusub ee AMISOM ayaa kulan la yeeshay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya ahna taliyaha guud ee howlgalka midowga Afrika  danjire Francisco Caetano Madeira,iyagoo  sheegay in isbedelkaan uu yimid waqti muhiim u ah howlgalka AMISOM.

“Janaraal ayaa yimid waqti aan doonayno in howlgalka AMISOM dib u eegis lagu sameynayo sanadkan 2016 waan ku faraxsanahay kulanka aan la yeeshay iyo wadahadalkeenna, Hadda fikradda howgalka waxay gashay xoog, hirgelinteedana waxaa ay imaanaysaa xilli uu isaga taliye ka yaha,” ayuu yiri danjire Madeira.

Wuxuu xusay in howlgalka uu diiradda saari doono xaqiijinta ammaanka goobaha lagu qaban doona doorashada Soomaaliya, taas oo taliyaha cusub uu u lahaan doona dareen dhow isla markaana uu ku bixin doona hogaanka looga baahan yahay si arintaas loo xaqiijiyo.

Janaraal Cismaan Nuur Subagle, ayaa  u dhashay dalka Djibouti  isagoo soo noqday madaxa AMISOM ee qeybta difaaca intii u dhaxeysay 2012-2013-kii,waxaana Danjire  Madeira uu u rajeeyay janaraal Subagle guul.

taliyejabuti taliyejabuti5 taliyejabuti4 taliyejabuti1 taliyejabuti3

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here