Daawo Sawiro:- Madaxda Koonfur Galbeed Oo Salaada Ciida Kula Dukaday Dadweyne Aad U Fara Badan Garoonka Dr. Ayuub Baydhabo.

0
89

Baydhabo (RKGS) Mas’uuliyiinta Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay Magaalada Baydhabo maanta Shacabka ku wehlinayeen Tukashada Salaada Ciida  isla markaaana waxay bulshada kula tukadeen Garoonka Dr. Ayub Ee  Magaalada Baydhabo.

Ku Simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi, Gudoomiyaha Baarlamanka,Wasiiro Xildhibaano Saraakiisha ciidanka qalabka sida ,Maamulka Gobolka iyo Kan Degmada Baydhabo , Odayaal iyo mas’uuliyiin kale ayaa salaad ciida ku tukadeen Garoonka Dr. Ayub ee Magaalada Baydhabo.

Ku Simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa salaada ka dib waxaa uu hadal u jeediyay bulshada Magaalada Baydhabo waxaana uu  ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in bulshadu is cafiyaan iyadoo laga faa’iideysanayo munaasabada ciida .

Iyadoo Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka soo kabanayso dhibaato mudo dheer dhex maquuranaysay rajada ummadda Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya sii kordheyso.

Qaar ka mid ah wasiirada, xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Maamulka Degmada ayaa dhankooda waxaa ay hambalyo iyo bogaadin u direen bulshada KGS  iyagoo u rajeeyay in farxad ay sanadkaan kiisa kale ku gaaraan.

13567447_527868594066970_4955939635488303673_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

13592816_266124567087723_3254765444073201621_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

13612290_527868580733638_7014061702237145152_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

13614969_527868597400303_4170224087842532986_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here