Daawo Sawiro:- Madaxweynaha Oo Shacabka Kala Qeyb Galay Tukashada Salaadda Ciidda.

0
99

Muqdisho (RKGS) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Kummanaan dadweyne ah oo Salaadda Ciidda Maanta ku soo tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ayaa ka hadlay Marxaladda uu maanta dalka ku suganyahay iyo dagaalka Argagixisada, isagoo hambalyo u diray guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa ugu horrey Alle weydiistay in uu naga aqbalo Cibaadadii aan soo sammeynay bishii barakeysneyd ee Ramadaan, wuxuuna kula dardaarmay shacabka soomaaliyeed in ay isku samafaalaan oo gacan la siiyo qoysaska Taagta daran ee maanta caruurtooda aysan la ciideynin kuwa ilaahay wax siiyay.

“Umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah Waajibaadkii ay soo sammeeyeen alle haka aqbalo, waxaan isugu dardaarmeynaa in laga wada farxiyo maanta dadka liita ee aan awoodin in ay farxadda la qeybsadaan dadka uu ilaahay u nicmeeyay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku soo hadlay qaaday dadaalka loogu jiro dhismaha dowladnimada iyo dib usoo kabashada Dalka isagoo shacabka soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u garabtaaganyihiin dowladdooda.

“Dalka, Diinta iyo dadka waa sadaxda wax ee aan ku dhaaranay, duruufo adag ayuu ku suganyahay, horumarka iyo dagganashaha ku soo laabanaya dalka Alle ayaan uga mahadcelineynaa, hormar badanna wuu jiraa weyna ku mahadsan shacabka soomaaliyeed dadaalka ay galiyeen ilaah ayaana nagu garab siinaya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud ayaa soo hadal qaaday weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Masjidka Barakeysan ee Madiina Al-Munawara isagoo tilmaamay in dadka soomaaliyeed ay isweydiiyaan waxayaabaha ay ku kala duwanyihiin kooxaha dhibka ku haya Dalka iyo kuwa weeraray Qabriga Rasuulka CSW iyo Goob ay Kummanaan KM u soo safreen dad alle u soo cibaadeysi tagay iyadoo lagu guda jiro bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

“Dadka Soomaaliyeed Waxaan Leeyahay haddii ay horay ugu soo Kadsoomeen Maanta yeysan ku kadsoomin kooxaha doonaya in ay Ihaaneystaan Diinteena Suuban ee Xaniifka ah, waxaa la dilayaa oo la qarxinayaa dad Sooman, kuwo Maqaayad ku jiro iyo wixii lamid ah.

Jihaadka dhabta ah ayuu Madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay in uu yahay in kuwaas Argagixisada ah lala galo, isagoo carabka ku adkeeyay in ay ku caasiyeen Diinta Islaamka, loona midoobo sidii dalka iyo guud ahaan Caalamka looga Xoreyn lahaa.

Mudane Xasan Sh Maxamuud mar uu soo hadlqaaday Arrimaha Siyaasadda ayuu xusay in dalka Doorashada la filayo in ay ka dhacdo Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Caalamka iyo dadka Soomaaliyeedba Mitirka ay wax ku cabiri doonaan uu yahay sida aan doorashadaasi uga soo dhalaalno, haddii aan ku guuleysanana maalgashadayaasha Caalamku ay ku soo dhiirran doonana Xoojinta Maalgashiga Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS ayaa dhaliilay Kooxaha soo qaata daldalooladda qaldan ee dowladda, isagoo Sheegay in Cadawga Koowaad ee dalka uu yahay Al-shabaab, Cadawga Labaadna uu yahay kuwa Dacaayadda, iyo warxumo tashiilka ku haya fadhi ku dirirka iyo raadiyeyaasha.

Khudbadda Madaxweynaha inta uu ku gudajiray ayuu tusaale u soo qaatay Maahmaahyo Soomaaliyeed oo Dhaheysa “Gurran Ilaashadaa Irmaan Maasha, Dowladnimada aan ilaashano, maanta dowladnimadu weysii baaheysaa, dadkeenna iyo caalamku isha ayuu nagu hayaa aan ka wada qeybqaadano doorashada dalka ka dhaceysa, dalkana aan ka wada ilaashano kuwa fadhi ku dirirka la fadhiya Xummaanta, dalkuna wuu israacay ee haku daalina dacaayadaha wax dumiska ku saleysan”

Ugu Dambeyntii Madaxweynaha ayaa khudbadda uu ka jeediyay Masjidka Isbaheysiga Islaamka ku soo gabagabeeyay Hambalayada Ciidda ee uu u dirayo shacabka Soomaaliyeed meel walba uu ku suganyahay gudaha iyo dibaddaba.

IMG_5701

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

IMG_5699

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

IMG_5702

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here