Daawo Sawiro:- Masar Oo Hub Iyo Gaadiid Ku Wareejisay Dowladda Soomaaliya

0
89

Muqdisho (RKGS) Dowladda Masar ayaa maanta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ku wareejisay Gaadiid iyo Sahnad Ciidan oo loogu talagalay in ay ku howlgalaan Ciidanka Sida Gaarka ah u tababaran ee Danab.

Danjiraha dowladda Masar u fidhiya Soomaaliya Waliid Maxamed Ismaaciil ayaa munaasabadda ka sheegay in sahnadda Ciidan ay isugu jirto Gaadiid Ciidan, Gaadiidka Gurmadka degdegga ah, iyo Qoryo loogu talagalay in ay ku howlgalaan ciidanka Kummaandooska Soomaaliya.

“waxaanu taageereynaa walaalaheena Soomaaliyeed, Hubkaan iyo Gaadiidka Ciidanka oo ay ku jiraan kuwa gurmadka deg degga ah waxaan maanta ku wareejineynaa dowladda Soomaaliya, si gaar ah waxaan uga qeybqaadaneynaa howlaha dib u dhishka ciidamada Soomaaliya”ayuu yiri Mudane Waliid.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Sh Cali Diini ayaa u mahadceliyay dowladda Masar isagoo xusay in Dowladda iyo Shacabka Masar ay soomaaliya ka caawiyeen dhinacayada Waxbarashada, Caafimaadka iyo tababarka Ciidamada.

“Danab ayaa isticmaalaya, aad baan uga mahad celinaynaa dawlada Masaarida oo weligeed ka taageeri jirtay Shacbiga iyo dawlada Soomaaliya dhanka Waxbarashada, Tababarada Ciidanka iyo caafimaadka”, ayuu yiri Gen Diini

Safiirka Masar wuxuu sidoo kale sheegay in taageerada masar aysan intaa ku ekaandoonin, ayna xigi doonaan barnaamijyo kale oo loogu talagalay hormarinta Soomaaliya

Sequence-36.Still001 Sequence-36.Still002 - Copy vlcsnap-2016-07-19-12h52m34s645 vlcsnap-2016-07-19-12h49m59s659 vlcsnap-2016-07-19-12h51m18s212-640x360 vlcsnap-2016-07-19-12h50m47s253

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here