Daawo Sawiro:- Shaqaalaha Hey’adda Nile Oo Bilaabay Inay Isaga Baxaan Muqdisho.

0
126

Muqdisho (RKGS) Iyadoo maanta ay ku egtahay mudadii Dowladda Soomaaliya u qabatay in Shaqaalaha Hey’adda Nile Organization dalka uga baxaan ayaa qaar ka mid ah Shaqaalaha Hey’adda ay bilaabeen inay isaga baxaan magaalada Muqdisho.

Hey’adda Nile Organization oo ah hey’ad aan dowli aheyn ayaa magaalada Muqdisho ku leh xarumo caafimaad iyo waxbarasho, iyadoo Hey’addan ay hoos-tagto hey’ado uu leeyahay Wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee todobaadkii hore ka dhacay Turkiga.

Qaar ka mid ah shaqaalaha Isbitaalka Deva iyo qoysaskooda ayaa maanta isaga baxay magaalada Muqdisho, iyagoo boorsooyinkooda ka xir xirtay

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Deva Dr. Maxamed Al Perto ayaa sheegay in Soomaaliya ay u yimaadeen in shacabka Soomaaliyeed ay caawiyaan, isla markaana u fuliyaan adeegyo caafimaad oo muhiim ah.

“Waxaan Soomaaliya u nimid inaan caawino shacabka Soomaaliyeed, waxaa ku sugneyn muddo afar sano ah, waxaan haatan uga baxeynaa cadaadis naga soo wajahay dowladda Soomaaliya”ayuu yiri Dr. Maxamed Al Perto.

Agaasimaha ayaa sheegay in shaqa kasta oo ay shacabka Soomaaliyeed u hayeen ay gebi ahaanba joogsatay, taasna ay aad uga xun yihiin

Sidoo kale Dr. Halim Yilmas oo ahaa dhaqtarka kaliya ee qaabilsan dhanka Kilyaha ee joogay Soomaaliya ayaa sheegay in nasiib darro tahay in dowladda Soomaaliya ay dalka ka baxaan dhamaan shaqaalaha Nile Organization, iyadoo aan la siin waqti ku filan oo ay dalka uga baxaan.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ku macneeyay tallaabada ay dalka uga saareen Hey’adda Nile Organization inay tahay markii dowladda Turkiga ka codsatay inay

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa labo cisho ka hor la geeyay Isbitaalka Deva oo ku yaalla Dugsigii sare ee Banaadir, si aanay u dhicin bililaqo ama aan lagala bixin wixii qalab ee ku jira Isbitaalka.

Dowladda Turkiga ayaa la sheegay inay la wareegeyso isbitaalka iyo dhamana adeegyadii ay hey’adda Nile Organization ka waday magaalada Muqdisho, iyadoo Maamul cusub u soo magacaabi doonta.

IMG_7248

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

IMG_7252

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

IMG_7256

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

IMG_7273

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

IMG_7288

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here