Daawo Sawiro:- Wasaaradda caafimaadka oo bilowday buufinta cayayaanka cudurada dhaliya.

0
113

Muqdisho (RKGS) Madaxa ka hortagga cudurada ay faafiyaan cayayaanka ee Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah Jeylaani Busuri Mayow ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ka bilaabeen buufinta cayaanka ay ugu horeysa kaneenada ee ka dhalata cudurka Malaria, si looga hortago qataraha ka dhalan karta halista cudurkaasi.

Jeylaani Busuri Mayow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xeryaha dadka barakacaasha ee degmooyinka Hodan, Shangaani iyo Boondheere ay ka bilaabeen howlaha buufinta, si looga hortago halista ka dhalan karta cayayaanka cudurka Malariyada dhalisa, isagoo sharxay dhibaatada ka imaan karta haddaan la buufin..

Madaxa ka hortagga cudurada ay faafiyaan cayayaanka ee Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah Jeylaani Busuri Mayow ayaa xusay in howshan ay si wada jir ah isaga kaashanayaan Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

IMG_20160622_072833 IMG_20160625_071142 SAM_1507

IMG_20160618_071957.jooyow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here