Daawo Sawiro:- Wasiirada Koonfur Galbeed iyo Bulshadda Oo Ka Shiray La Dagaalanka Al-Shabaab.

0
75

Baydhabo (RKGS) Kulankan Looga Hadlayey Arimaha Amaanka Oo Kadhacay Baydhabo Ayaa Waxaa  Si Wada Jir Ah U Soo Qabanqaabiyey Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacyigalinta Bulshada Oo Kaashaneysa Maamulka Degmada Baydhabo Waxaana Kulanka  Kasoo Qeybgaley Gudoomiayaha Baarlamaanka KGS, Wasiiro, Iyo Xildhibaano Ka Tirsan Maamulka,Laamaha Amniga,Saraakiisha Ciidanka AMISOM Ee Qeybta Ethiopia, Iyo Bulsho Ka Kala Socotey 10ka Xaafadood Ee Baydhabo.

Ugu Horeyntii Kulanka Oo Ujeedkiisa Ahaa Isdhexgalka Bulshada Iyo Ciidanka Ayaa Waxaa Kahadley Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Cabdulaahi Cali Watiin  Iyo Wasiirka Warfafinta Iyo Wacyi Gelinta Bulshada Ayagoona Faafaahin Kabixiyey Muhiimada Ay Leedahay Iskaashiga Ciidanka Iyo Qeybaha Bulshada.

Sido Kale Waxaa Goobta Ka Hadlay Waziirka Hub Ka Dhigista Dhaqan Celinta Iyo Tababarada Maleeshiyaadka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed Eelay Wuxuuna Ku Dheeraday Muhiimadda Ay Leedahay Wada Shaqeyn Dhexmarta Bulshada Iyo Ciidamada Booliiska Gaarka Ah Ee Dowladda Koonfur Galbeed, Asagoona Ugu Baaqay Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Deegaanadan Koonfur Galbeed Inay Garab Istaagaan Ciidamada Walaalahooda Ah.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawiro:-

13680943_269362106763969_3999548436172013999_n 13645340_269362233430623_771361518264370196_n 13631655_269362183430628_1409580636898563311_n 13631655_269362183430628_1409580636898563311_n 13627149_269362150097298_7588218369482655873_n 13615345_269362013430645_8573817038659550153_n

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here