Daawo Sawiro+Warbixin :-Mashruuca waxbarashada madaniga Ah OO Baydhabo Lagu Soo Gabagabeeye.

0
90

Mashruuca waxbarashada madaniga ah waa mashruuc loogu talagaley in kor loogu qaado wacyiga iyo Aqoonta Bulshada reer Baydhabo ayadoo la adeegasanayo taba barooyin,Siminaar, Wadatashi Bulsho , Saxaafada Bandhig Faneed Iyo tartan Aqooneed loo qabanayo Iskoolaadka Magaalada Baydhabo, Mashruuca waxaa daaha laga rogay bishii oktober- sanadkii 2015 ka ayadoo la iskugu yeeray dad gaaraya 150 qof oo isugu jra Maamulka Gobolka iyo Maamulka Degmada Baydhabo, Ururka Haweenka ,Ururka Dhalinyarada Iyo Ururada aan dowliga haeen , bahda Saxaafada ,Hay’adaha Caalimaga Ah iyo UN ka si ay qeyb uga ahaadaan Daahfurka Mashruuca.

Maamulka Degmada Baydhabo ayaaisla Bishii Oktober 2015 soo Xulay Tiro gaareysa 32 qof  oo laga Xulanayay 16 Macalimiin oo loo taba barayey in ay wadatashi bulsho u sameeyan 10 Xaafadood ee magaalada Baydhabo ,16 kii qof ayaa waxaa la siiyay tababar ku saabsan qaabka Bulshada wadatashi loola Sameeyo ayadoo la ideegsanayey Manhaj ayaa soo diyaariyeen Dad khubura ah, waxa la tababarey Mudo 14 –Maalmood, Tababarayaashii la taba baray ayaa waxay tababar iyo kulomo Wadatashi  u qabteen dad gaarayo 160 qof oo laga soo xulay 10 xaafadadood ee baydhabo mudo dhan 16 maalmood bishii Nuvember 2015, bishii 10 banaad 2015 ayaa waxaa la sameeyay Xog aruurin ku saabsan Waxbarashada Madaniga si loo ogaado xeerka wacyiga iyo aqoonta bulshada 10 xaafadood ee degmada baydhabo.

Waxaa la qaatey 16 xog aruuriyaal kuwaasoo soo wareestay qeybaha kala duwan ee bulshada mudo dhan 7- maalmood afkaartoodana soo qoray waxaa markaas kadib la falan qeeyay Xogtii waxaa laga soo saarey war qoraaleed.

 

12234921_191975887807429_192672314940220625_n 12274594_191975941140757_2977350638676036149_n 12289690_191976377807380_2358236737065008521_n (1) 12289690_191976377807380_2358236737065008521_n (2) 12289690_191976377807380_2358236737065008521_n IMG_0478 IMG_0501

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here