DAAWO SAWIRRADA:- Qaraxa ka dhacay Wadajir

0
92

Waxaa faahin faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax duhurnimadii maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari Hoomey ah, kaasi oo la soo saaay Khudaar, laguna soo dhexqariyay waxyaabaha Qarxa.

Qaraxan ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada Wadajir ayaa si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay 15 Qof oo uu ku jiro Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/laahi Xasan ayaa ku dhaawacmay Qaraxan, balse ilaa hada lama xaqiijin karo tirada dhimashada.

Sidoo kale dadka ku dhaawacmay Qaraxaasi ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin Xoghayaha degmadaasi, Guddoomiyaha ururka Haweenka degmada, Madaxa Ciyaaraha degmada Wadajir Catoosh iyo xubno kale.

Sawirro laga soo qaaday Qaraxa ayaa muujinaya burbur xoogan oo soo gaaray xarunta degmada Wadajir, iyo sidoo kale guryaha ka akdhow halkaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here