DAAWO+SWIRO :-Masjidul Aqsa oo Qeybtiisa Koowaad Lasoo Gabagabeeye

0
105

Masjidul Aqsa oo kamid masaajida Qadiimiga ah ee kuyaalla degmada dherkeynley ayaa xilliyadii u danbaysay waxaa ka socotay dib usdhis ballaaran oo lagu samaynayay Masjidka iyadoo dib u dhiskan lagu samaynayo ay timid kadib markii hareeraha Masjidka ay dageen biyaha roobka.

Gudoomiyaha Masjidka Al-Aqsa ayaa waxaa uu tibaaxay in masjidkan la soo gaba gabeeyay dhismihiisa qeybtiisa Koowaad ayna jirto baahi weyn oo ah inaysan haysan qarashaadkii lagu dhamaystri lahaa qeybta labaad ee Masjidka.

Intaaan kusugnaa masjidka waxaa ii muuqanayay Sanduuqyar oo lagu xiray Cod-baahiye ama microphone kaas oo la hordhigay afaafka hore ee Masjidka iyadoona dadka maraya Wadada ay kuridaan waxyaabaha ay awoodaan.

Hadaba qiima intee la eg ayaa ka harsan dhamaystirka dhismaha masjidkan qeybtiisa labaad iyo agabka ka dhiman oo ay ubaahan yihiin in ay helaan si ay usii amba qaadaan dhismaha masjidkan oohakad ku jira waakan Engineer Mayow oo ah Engineerka dhisaya Masjidka oo ka War-bixinaya.

Sheekh Cali oo ah Imaamka Masjidka ayaa sheegay in ay ka murugaysan yihiin hakadka ku yimid dhamaystirka Masjidka ee qeybtiisa labaad oo bulsho badan ay doonayan in ay ku cibaadeestaan.

Masjidka Al-aqsa ayaa waxaaa la aas’aasay Sanadku marka uu ahaa 1973 iyadoo 1978 lagu sameeyay dayactirkii uguhoreeyay inkastoo uu ahaa mid aan aad u ballaarnayn dayactirkii labaad ayaa lagu sameeyay sanadii 2005 tii halka wejigii 3,aad ee dayactirka Masjidkan uubillowday 7/7/2016.

Hadaba umadda islaamka meel walba ay joogaan ayaa looga fadhiyaa in kaalin weyn ka geestaan kaqeyb qaadashada dhismaha Masjidka iyadoo ay xusid mudan tahay Axaadiith farabadan iyo waliba Aayada qur’aan ay ku soo aroortay in la dhiso baytka Alle.

 

12-copy 9 9-copy

7-copy 6-copy 5-copy7-copy 6-copy 5-copy 1-copy 3-copy

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here