Daawo:Xaflad ay ku qalin jabinayeen arday wax ka baratay Jaamacadda koonfurta Soomaaliya oo lagu qabtay Baydhabo

0
79

95 ardey ayaa maanta ka qalinjabiyey Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, oo kamid ah Jaamacadaha magaalada Baydhabo, iyadoona xaflada qalinjibinta ah ay kasoo qeyb galeen, wasiiro katirsan dawladda Soomaaliya.

Ardayda qalin jabisay oo gaaraya 95-arday waxa ay mudo labo sano ah baranayeen maadooyin kala duwan oo jaamacadu ay bixiso, iyadoo masuuliyiinta ka qeyb galay ay kamid ahaayeen,wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska, siyaasiyiin, madaxda jaamacadda iyo waalidiin dareen farxadeed uu ka muuqday.

Dr Mxamed Cali kalaayoo ah madaxa Jaamacadda ayaa sheegay in ardaydu ay barteen maadooyin kala duwan islamarkaana ay karti u leeyihiin In ay ku shaqeeyaan wixii ay barteen.

Xubnaha kale ee ka qeyb galay munaasabadda ayaa la dardaarmay ardayda, iyaga oo u jeediyey in dadka Soomaaliyeed ay uga faaiideeyaan cilmigooda.

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya Eng Saalax ayaa ardayda la dardaarmay waxaana uu sheegay in ardayda kale looga baahan yahay in degaanka ay ku nool yihiin ay wax ku bartaan.

Jaamacadda koonfurta soomaaliya  waxaa la aas aasey oo dhidabada looga taagey magaalada Baydhabo  28-ka  agosto ee sanadii 2008-dii, waxaana xiligaasi ay noqotay Jaamacadii ugu horeysay ee laga dhiso magaalada Baydhabo.

By: Wadani

 

vlcsnap-2016-09-24-20h57m49s138-1 vlcsnap-2016-09-24-20h58m07s38 vlcsnap-2016-09-24-20h58m36s75 vlcsnap-2016-09-24-20h58m48s231 vlcsnap-2016-09-24-20h59m13s237 vlcsnap-2016-09-24-20h59m37s205-1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here