Dad ku dhintay Rabshado ka dhacay Laascaanood iyo Xiisad ka taagan

0
98

Lascanood (RKGS ) Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in Maanta magaaladaasi ay ka dhaceen banaan baxyo rabshado watay oo ay ku dhinteen dad isgu jira shacabka iyo Askar.

Inta la xaqiijiyay 2 qof  ayaa ku dhimatay oo la sheegaayo in mid kamid ah uu yahay Askari , ka dib markii dad careysan ay weerar ku qaadeen xarumo kala duwan oo ay dagan yihiin mas’uuliinta Somaliland u qaabilsan magaalada Laascaanood.

Dadka banaan Baxa dhigayay ayaa gubay Gawaari laamiga maraysay , waxaana la sheegaya in sidoo kale waxyeelo u geysteen goobo ganacsi.

Banaanbaxa ayaa waxaa looga soo horjeeday dilalka qorsheysan ee loo geysto dadka kunool magaalada Laascaanood.

Dadka ayaa la sheegaya in ay taagan yihiin wadooyinka magaalada Laascaanood , islamarkaana ay is aruursanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here