Dadka barafka ugu dhintay Afghanistan oo 100 kor u dhaafay

0
86

Baraf xoog badan ayaa in kabadan 106 ruux ku dilay dad kale oo tobanaan ahna ku dhaawacay dalka Afghanistan.

Dhibaatada ugu daran waxay ka dhacday tuulada Nuristan oo ka tirsan gobolka waqooyi bari ee xadka la leh dalka Pakistan, waxaana halkaas ku dhintay 53 ruux.

Saddex iyo toban ruux oo kale ayaa ku dhintay baraf ku qabsaday waqooyiga Pakistan, sagaal ka mid ah dadkaasna waxay ku dhinteen magaalada Chitral.

Guryo badan ayuu barafkaasi burburiyay waxaana lagu soo waramayaa in dadku ay u dhinteen qabowga dartii iyaga oo gawaarida ku dhex xaniban.

Wasiirka masiibooyinka dabiiciga ah ee Afghanistan, Wais Ahmad Barmak ayaa tirada dhimashada u xaqiijiyay BBC Afghan. Sidoo kale baraf ayaa ku dhuftay waqooyiga caasimadda Afghanistan ee Kabul.

“Barafka ayaa aasay labo tuulo siday u dhanaayeenba,” sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay afhayeen u hadlay wasaaraddaas, arrintaasi waxay ka dhacday gobolka Barg Matal oo ka agdhaw Nuristan.

Gobolka ay dariska yihiin ee buuralayda ah ee Badakhshan ayuu sidoo kale aad ugu habsaday barafku

Shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa dhibaato kala kulmaya in ay gaaraan dadka ku go’doonsan barafka, sababtuna waxay tahay cimilada oo xun iyo barafka oo wadooyinkii xayiray.

Khalilullah Ghayo oo masuuliyiinta ka mid ah ayaa BBC Afghan u sheegay in labo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah loo dirayo aagaas, siday u soo baadi goobaan dad badbaaday gargaarna u gaarsiiyaan.

Garoonka ugu wayn ee magaalada Kabul ayaa isna albaabada loo xiray barafka oo xiray wadooyinkii ay diyaaraduhu adeegsan lahaayeen awgeed.

Wadada wayn ee isku xirta Kabul iyo Kandahar ayay booliiska iyo millatariga ka soo badbaadiyeen 250 ruux oo gawaaridoodu ku xayirmeen halkaas.

Ugu yaraan labo darawal ayaa ku dhintay qabawgaas baabuurtooda xayiray, kuwo kale oo badanna iyagoon cunto haysanin ayay halkaas ku xayiranmeen.

Saraakiishu waxay ka digayaan in barafka iyo dabayluhu ay sii socon doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here