DEG DEG: Ciidamada Ahulusunna oo Xabsiga dhigey wariye caan ah

0
72

(RKGS) Wararka hadda naga soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud oo Fariisin u ah Maamulka la magac baxay Gobolada Dhexe ee Ahlusunna ayaa sheegaya in Ciidamada Ahulusunna ay Xabsiga dhigeen wariye halkaa uga soo Waramayay Tv-ga Universal iyo Idaacadda Goobjooge ee Muqdisho oo la yiraado i Maxamed C/wal Tooxoow.

Wariyaha ayaa laga watay Goobtiisa Shaqadda,iyadoo lagu xiray Xabsiga dhexe ee Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sheegaya in Amarka lagu xiray uu bixiyay Madaxweynaha Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Maxamed C/wali Tooxoow ayaa ahaa wariye si dhaw ula shaqeynayay Maamulka Ahlusunna Mudadii ay haysteen Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusunna ayaa warqaad u sheegay in Wariyaha Saaka uu Muuqaallo ka duubay Xarumaha ay ku shaqeyaan Maamulka Ahlusunna,balse Ahlusunna ay sheegtay in Muuqaaladaas ay yihiin kuwo Sirtooda lagu gudbinayo sidaana Xabsiga loo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here